Mr.Rooble Oo Kala Hadlay Gudoomiyaha KMG Baarlamaanka Qodobo Dhowr

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan ay wada yeesheen Wasiirka 1-aad ee Dowlada xil gaarsinta Mr.Rooble Iyo Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Xildhibaan Cabdisalaan Dhabanacad, iyadoo looga dooday Doorashada Xildhibaanada ee Degmada Ceel waaq lagu qabtay…

Wararka ayaa sheegay in ugu dambeyntii uu Gudoomiye Dhabancad, uu aqbalay in la dhaariyo Xildhibaanada cusub lagu soo doortay degmada Ceel-waaq, iyadoo arrintaani ay sii xoojisay culeys saarkii ay sameeyeen Maamulada Puntland, Jubbaland, Midowga Musharixiinta iyo Siyaasiyiin miisaan leh.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray Laba Qodob kuwaasoo kala ah:-

-Dood sharci oo oranaysa yaa ka mudan dhaarta Xildhibaanada Ceel-waaq lagu doortay haday haystaan soo gudbintii Gudiga Doorashada heer Jubaland, ayididii Madaxweynaha Jubaland, aqoonsigii Gudiga Doorashada heer Fadaraal iyo hambalyadii Ra’isalwasaaraha?

-Kooxda Garbahaarey aysan wax sharciyad ah heysan rabtana iney afduub ku heysato ilaa laga oggolaanaayo rabitaankeeda.

Dhanka kale Mr.Rooble ayaa lagu wadaa inuu Safar shaqo uu ku gaaro Dalka Switzerland, iyadoo la sheegay inuu muddo aad u gaaban uu ku maqnaan doono, kadibna uu Caasimadda ku soo noqon doono si uu u kor joogteeyo hanaanka Doorashada Gudoomiyayaasha Labada Aqal.

184720cookie-checkMr.Rooble Oo Kala Hadlay Gudoomiyaha KMG Baarlamaanka Qodobo Dhowr
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com