Dareen Fal-celineed Oo Xoogan Ayaa Laga Muujiyay Go’aankii Golaha Wasiirada Dowladda

Somalia news

Go’aan Taariikhda lagu xusuusan doono ayaa shalay Golaha Wasiirada kaga noqdeen Go’aan isla Golahaasi gaaray Sanadkii 2017-kii In Ururka ONLF loo aqoonsado urur argagixiso isla markaasna Sarkaal ka tirsanaa Ururkaasi loo gacan geliyo Dowladda Ethiopia..

Golaha Wasiirada ayaa ku dhawaaqay in laga noqday Go’aankaasi isla markaasna raali gelin buuxda la siiyo Ururka ONLF iyo Sarkaalka la xiray Muhaajid Cabdikariim Muuse “Qalbi-dhaxag”, Oo xiligaasi loo gacan geliyay Dowladda Ethiopia, Golaha ayaa isku raacay:-

Mr.Cabdikariim Oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi ayaa soo dhoweeyay Go’aanka Golaha Wasiirada Isla markaasna qaatay Raali gelinta Dowladda Federaalka, balse uusan cafin doonin shaqsiyaadkii ka soo shaqeeyay (Farmaajo iyo Khayre), Wuxuu sheegay inuu aad uga xumaaday inu lagu shaabadeeyo Argagixiso.

164010cookie-checkDareen Fal-celineed Oo Xoogan Ayaa Laga Muujiyay Go’aankii Golaha Wasiirada Dowladda