Digniino Amaan Oo Laga Soo Saaray Magaalada Mogadishu

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Magaalada Mogadishu ay kooxda Argagixisada Shababka soo geliyaan tiro Gaadiid Miineysan iyo Kooxo Naftood haligayaal ah kuwaasoo loo qorsheeyay iney weeraro ka geystaan goobo cayiman si loo dhibaateeyo Shacbiga Soomaaliyeed..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in ilaa 5-Gaari Oo noocadu yahay Surf lagana soo buuxiyay walxaha qarxa iyo tiro aan cayimin Oo Naftood haligayaal ah la soo geliyay Magaalada, waxaana loo qorsheeyay in lagu weeraro, goobo ay ka mid yihiin Elit, Dorbin, Syl, Jasiira Hoteels, Isbaarooyinka Amaanka Madaxtooyada, Wadada Maka, KM-4 iyo Tiro Xarumo Wasaaradeed.

Weeraradaan ayaa laga cabsi qabaa in la fuliyo inta u dhaxeysa 24-31 Bishaan, waxaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed uga digeynaa iney ka fogaadaan Goobaha la cayimay, Waxaa Dayac xoogan ayaa xilligan ka muuqda amniga Muqdisho, waxaana kordhay dilalka qorsheysan iyo qaraxyada, halka hay’adihii amniga ku shaqada lahaa ay ka seexdeen wax ka qabashada amni darrada isi-soo tareysa.

163980cookie-checkDigniino Amaan Oo Laga Soo Saaray Magaalada Mogadishu