ilo wareedyo ka tirsan Wasaaradda Waxbarasha ay u sheegay Diinah.con news, in Boqorootyada Thailand ay u Oggolaatay Somalia (24) deeq waxbarasho oo ah heerka labaad ee Jaamacadda (Masters Degree), ayna lunsadeen Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo La-taliyaha Farmaajo……
Deeqdaan Waxbarasho oo la soo mariyay sida sharciga ah Wasaaradda Arrimaha Dibabdda ayaa waxaa isla markiiba jawaab celin ka bixiyay Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad & La taliyaha amniga MW Farmaajo Cabdi Saciid Muuse, waxayna deeqdii waxbarasho jawaabteedii u gudbiyeen Safaaradda Boqortooyada Thailand ay ku leedahay dalka Kenya.
Waxaana deeqda waxbarasho lagu qoray 24 Dhallinyaro ah (14 Gabdhood & 10 Wiil) oo kulligood ay isku jifo yihiin Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda & La taliyaha Amniga ee MW Farmaajo kuwaasoo ka soo jeeda Gobolada Nugaal iyo Mudug (Puntland).


