Macallimiin Kenya U Dhashay Oo La Eedeeyay

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga soo sheegayaa in degaanada Maamulka Somaliland, Ay xiligaan ku soo kordheen tiro badan badan oo Baderiyaal masiixiyiin ah kuwaasoo qaab macallimiin ah ku galay, isla markaasna Dugsiyada ku faafiiya Barashada Diinta Masiixiga…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Dugsi ku yaal Magaalada Hargeysa oo lagu magacaabo Elam School, ay dhigtaan tiro badan oo arday ah, waxaana Macallimiin ka ah ku dhowaan 100- Macallimiin ah oo u dhashay Dalka Kenya iyo tiro yar oo Macallimiin Soomali ah kuwaasoo dhiga Luqada Soomaaliga. Waxaana laga keenay Qeylo dhaan si deg deg ah ee loo faafinaayo Diinta Masiixiga, iyadoo Maamulka iyo Culumaa’udiinka Magaalada ay ka gaabiyeen iney wax ka qabtaan dhibaatada lagu dhalan rogaayo Dhaqanka iyo Diinta Islaamka.



Qoraal Ay soo saareen Waaxda Waxbarashada Ee Maamulka Hargeisa ayeey ku sheegeen iney soo gaaray Qatar la xiriira in Dugsiyo ku yaalla deganadooda lagu dhigo Buugaag xambaarsan diinta Kiristaanka, waxana wasaaradda waxrashadu ay u saartay arrintaas guddi baaritaan ku sameeya wax jka jira arrintaas oo si weyn loo hadal hahay maalmahaan.

57810cookie-checkMacallimiin Kenya U Dhashay Oo La Eedeeyay