Qalab Isgaarsiineed Oo Loogu Deeqay Somaliland

Somalia news

Maamulka Somaliland ayaa sheegtay inay bilaabayaan baaritaan la xiriira halista Caafimaad ee ay keeni karaan anteenada ama taawarrada shirkadaha Isgaarsiinta….

Qalab lagu ogaanayo awoodda hirarka ay taawarradu gudbinayaan ayaa la sheegay in maamulku soo iibsaday, lana howlgeliyey, iyadoo wararku ay sheegayaan in Maamulka Taiwan ay ku deeqeen Qalabkaasi…

Wasiirka Isgaarsiinta Somaliland Cabdiwali Cabdillaahi Suufi ayaa sheegay in qalabkan loogu talogalay inuu maamulo hirarka isgaarsiinta, isla markaana lagula socdo shucaaca ka soo baxa taawarrada iyo goobaha isgaarsiinta.

Wuxuu wasiirku sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono shirkaddii lagu helo in ay taawarradeedu sababaan xaalad caafimaad darro.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili ay horey u jireen cabashooyin iyo cabsi laga qabo saamaynta caafimaad darro ee ka dhalan karta hirarkaas oo dad badan aaminsan yihiin iney dhalin karaan cuduro halis ah.

57920cookie-checkQalab Isgaarsiineed Oo Loogu Deeqay Somaliland