Deg-Deg:-Weerar Qaraxyo ku Bilaawday oo ka socda Hotel ku yaala magaalada Baledweyne..

Security Somalia news

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa Unugyo ka tirsan Kooxda Argagixisada Shababka ayaa goor sii horeysay waxey weerar ku bilaawday qaraxyo Gaari Miineysan ku qaaday Hotel ku yaala Xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan kaasoo ay dhaasheen khasaare…

Wararka ayaa sheegaya in Hoteelka Weerarka lagu ekeeyay lagu magacaabo Hotel  Qaahira, waxaana la sheegay iney daganayeen Odayaal dhaqameed iyo Saraakiil Ciidan oo waday abaabulka dagaal ka dhan ah Kooxda Argagixisada Shabaabka ku sugan Galbeedka Gobolka Hiiraan.

Xuuraanada la helaayo ayaa tilmaamaya in qaraxa io ahaa Gaari Miineysan iyo weerarka isxigay uu wali ka socda gudaha Hotelka iyo nawaaxigiisa iney geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hayeshee wali si rasmi ah looma xaqiijin karo inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.

Xaaladda Hoteelka ayaa weli ah mid cakiran, waxaana gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Amaanka oo howlgal culus ka wada dhimsha hoteelka oo ku yaalla aagga xaafadda Howlwadaag, Ma jiro weli war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha laamaha amniga ee ku aadan qaraxa iyo weerarka xigay ee Beledweyne.

363410cookie-checkDeg-Deg:-Weerar Qaraxyo ku Bilaawday oo ka socda Hotel ku yaala magaalada Baledweyne..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *