Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka ayaa lagu wadaa inuu Safarkiisii ugu Horeeyay ku tago Gobolka Hiiraan

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa safar gudaha ah uu Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Xamse Cabdi Barre saacadaha soo socda ku tegi doono magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, iyadoo ay halkaasi uga horeeyeen Wasiirka Gaashandhigga iyo Hogaanka Sare ee Ciidamada…

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow Xafiiska Xamse ujeedka booqashadaan ayaa la xiriirta u kuur gelida xaaladda dadka ku nool magaalada Beledweyne iyo degaanada hoostaga iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Kooxda Shabaabka oo Ciidamada Dowlada ka wadaan degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Safarkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee Wasiirka 1-aad kaga ambabaxo magaalada Muqdisho tan iyo markii dhowaan loo magacaabay Xilka, Gobolkaan ayaa maalmihii tagay waxaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle uu ku jiray safaro ku marayay degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana lagu wadaa inuu gaaro magaalada Beladweyne si uu halkaas ugu soo dhoweeyo wafdiga Raisul Wasaaraha.

209400cookie-checkWasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka ayaa lagu wadaa inuu Safarkiisii ugu Horeeyay ku tago Gobolka Hiiraan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com