Maamulka Puntland oo iska Fogeysa “Bayaan” Magaceeda & Astanteeda loogu Adeegsaday…

Somalia news

Maamulka Puntland ayaa qeylo dhaan ka soo saaray adeegsiga Astaanka Maamul Goboleedka Puntland oo aan si sharciga waafaqsaneyn iyo in lagu daray Magaca Waaiirka Arrimaha Maaliyada heshiis aysan qeyb ka aheyn Maamulkooda, iyagoo sheegay in aan oggolaasho laga heysan..

Wasiirka Maaliyada Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka iney adeegsadeen Saxiixiisa iyo Astaanka Maamul goboleedka Puntland, isagoo intaasi raaciyay inuusan ka qeyb gelin kulanka iyo kuwo kale oo horey loo qabtay, wuxuu caddeeyay inuusan ku raacsaneyn natiijooyinka ka soo baxay, Dhawaaqaan ayaa yimid iyadoo xiriirka labada dhinac uu aad u hooseyo.

Khilaafka ayaa sababay in Maamulka Puntland xanibaad laga saaro inta badan Mashaariicda beesha Caalamka ee loogu talo galay horumarinta Bulshada iyo dib u dhiska Dowladnimada Somalia, xiisadaan labada dhinac ayaa sidoo kale adkeyneysa iyadoo Maamulka Gooni goosadka Waqooyiga Somalia uu ku dhiiraday inuu heshiis sharci darro ah la gaaro Maamulka Addis abeba isla markaasna uu 20-KM uu xeebta Lughaya u saxiixo.

Talaabooyinka ay ku dhaqaaqayaan Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa aii adkeyneysa xaalada siyaasadeed ee Dalka iyo sidii la isugu heyn lahaa Midnimada iyo Wadajirka Dalka.

310050cookie-checkMaamulka Puntland oo iska Fogeysa “Bayaan” Magaceeda & Astanteeda loogu Adeegsaday…