Degaanada Gobolka Bari Qoysas Barakacayaal Oo Wajahaaya Nolol Adag & Amaan La’aan..

Domestic News Security Somalia news

Wararka naga soo gaaray degaano ka tirsan Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Qoyasas Barakacayaal ah ay wajahayaan Nolo adag oo keentay Abaarta iyo Amaan darro baahsan kadib markii ay ka soo barakaceen degaanada Dagaalada ka docdaan Buurta Calmiskaad…

Wararka ayaa sheegaya in qiyaastii degaanada ku xeeran Tuulada Turmasaale ay ka soo barakaceen qiyaastii 400-Qoys kuwaasoo isugu jira Xoolo dhaqato iyo Danyar, waxeyna soo barakaceen bilihii 3-aad iyo 4-aad ee Sanadkaan kadib markii degaanadaasi ay dagaalo u dhaxeeya Xoogaga Maamulka iyo kooxda Argagixisada Daacishta kana dhaseen khasaare balaaran.

Barakacayaasha Colaada degaanadaasi ka taagan ayaa ugu darsantay saameynta jilaalka adag, taasoo sababtay in aysan heli karin Raashin xitaa hal waqti ah maalintii, sida laga soo xigtay Hooyo Soomaaliyeed, Waxay intaas ku raacisay in Degaanka ay u barakaceen aysan ka helin nolol ka wanaagsan tii ay ka soo tageen, iyagoo noqday Dad barakac ah oo reer dulsaaran isla markaasna aan wax kaalmo ah ka helin Maamulka, Dowlada Federaalka iyo Hey’adaha Gargaarka.

Dagaalka u dhexeeya Maamulka Puntland iyo kooxda argagixisada Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad muddo ka badan lix bilood, wuxuu si weyn u saameeyay qoysaas xoolo-dhaqato, beeraley iyo danyar u badan oo ku nool tuulooyinka halkaas ku yaalla. Iyagoo horeyba u wajahayay jilaal adag ayuu dagaalku ka dhigay xaaladooda mid aad u liidata.

375570cookie-checkDegaanada Gobolka Bari Qoysas Barakacayaal Oo Wajahaaya Nolol Adag & Amaan La’aan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *