UNICEF Oo Dhaqaale Ugu Deeqday Waxbarashada Caruurta

Somalia news

Hey’adda UN-ka Ee qaabilsan Xanaanada Caruurta ayaa shaaca ka qaaday iney ka soo gaartay Deeq lacageed oo dhan 2,9-million US $ ah Hey’adda Global Partnership for Education (GPE) si wax loogu qabto qeybta Waxbarashada Caruurta Ee Degaanada Puntland iyo Waqooyiga Somalia…

Agaasimaha Hey’adda UNICEF Mr.Jesper Moller, Ee Somalia, ayaa sheegay in deeqdaani ay gacan ka geysan doonto sidii Caruurta Somalia ay fursad ugu heli lahaayeen Waxbarasho iyo qalabka wax lagu barto si loo hormariyo nolashooda Mustaqbalka, wuxuuna intaasi raaciyay in xitaa Tababarka Macalliminta ay qeyb ka tahay deeqdaan.

Hey’adda GPE oo maalgelisa Dhanka waxbarashada Ee Puntland ayaa sheegay in sanadkaan ay ku deeqeen 13-million oo US$ Oo ay ku jiraan 8,8 Million taageerida qeybta Waxbarashada Puntland iyo 1,3 Million oo US$ oo loogu tala galay qeybta Caafimaadka (COVID-19), Madaxa Hey’adda GPE, Alice Albright, ayaa sheegtay iney sii wadi doonaan gacan ka geysashada taageerida Somalia.

71940cookie-checkUNICEF Oo Dhaqaale Ugu Deeqday Waxbarashada Caruurta