Waxaa maanta lagu wadaa in deegaanada Somaliland ka dhaqangalo amarkii maamulka ka soo baxay maalintii Khamiista, lana xiriiray qaad joojinta….
Amarkaan ayaa sheegay laga bilaabo maalinta Axada (26-ka bishan April) inaanan deegaanada Somaliland la keeni karin wax qaad ah, muddo 25 maalmood ah, sida ay sheegeen Maamulada degaanka.
Waa markii ugu horeysay oo deegaanada Somaliland laga mamnuuco qaadka laga keeno dalka Ethiopia, tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday inay gooni goosadka aan Weli helin Ictiraafka.
Inkastoo la joojiyay Qaadka Cudurka Caabuqa dartiis hadana Waxaa si joogto ah u furan Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, iyadoo Diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Fly Dubai ay Socoto iyo xamuulba geeyaan Magaalada Hargeysa, waxeyna Maamulada Shirkadahaasi ay dhegaha ka fureysteen amaradii hawada lagu xiray ee ka soo baxay Maamulka Farmaajo.