Ma Dhabaa in Dooda Xeerka Doorashada Qof & Cod ee Puntland laga saaray Ajnadaha Baarlamaanka…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in doodii Xildhibaanada ee Ajandaha fadhiga Baarlamanka Puntland ee Maanta oo Axad ah loo balansanaa ayaa gebi ahaanba laga saaray xeerka Doorashooyinka Qof iyo Cod ee muranka iyo hub isku uruursiga xoogan ka taagan yahay, sida ay xaqiijinayaan ilo loo qaateen ah…

Wararka ayaa sheegay in “Ajandaha Fadhiga laga tuuray Qodobka muranka badan dhaliyay ee xeerka doorashooyinka qof iyo cod, lagumana soo qaadi doono gebi ahaanba” sidaas waxa noo caddeeyay ilo wareedyo dhawrsan, iyadoo ka saaristaan ay fududeyneyso in xasaradaha kacsan ay hoos u dhigaan, waxeyna saameyn ku yeesheen Habsami u socdka Howlaha Baarlamaanka iyo jiritaankiisaba.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa kulan gaar ah la yeeshay Gudi ka kooban 10-Xubnood oo ay iska soo saareen Haween muddaharaad ka dhigayay Afaafka hore ee Xarunta Golaha, kuwaasoo Xildhibaannada ka dalbanayay in ay nabadda u hiilliyaan, dhacdadaan ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo xiisad siyaasadeed ka taagan tahay arrimaha doorashada Madaxtinimada Puntland oo ay ku muransan yihiin Maamulka iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka.

289600cookie-checkMa Dhabaa in Dooda Xeerka Doorashada Qof & Cod ee Puntland laga saaray Ajnadaha Baarlamaanka…