Tiro Caruur Soomaaliyeed Oo qaba Xanuunada Wadnaha Oo Daaweyn loogu Qaaday Isbitaalada Dalka Italy..

Health Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Gurmad Caafimaad oo Shirkada Hormuud Salaama Foundation ayaa taajulo u fidisay Tiro Caruur Soomaaliyeed oo muddo qabay xanuunada Wadnaha Dalka gudihiisana wax looga qaban waayay, waxaana maalintii Axadii loo qaaday Isbitaalo ku yaal magaalada Milano ee Dalka Italy si loo daweeyo Bukaanadaan…

Wararka ayaa sheegay in Bukaanadaan oo tiradoodu dhameyd 15- Caruur ah ayaa qeyb ka ah 119-Caruur ah oo baaris Caafimaad oo xagga Wadnaha ah lagu sameeyay muddo sanad ah, taaasoo Dhiiri gelisay Bukaanada iyo Waalidkood, iyadoo ay qeyb door leh ay ka qaadatay Mrs.Adna Moalim Abdirahman oo degan magaalada Milan ee Dalka Italy, Waxaana Bukaanadaan ku sagootiyay Garoonka diyaaradaha magaalada Mogadisho Gudoomiyaha Shirkada Hormuud Abdullahi Nur Cusman.

Mr.Cabdullaahi ayaa u mahad celiyay Maamulka Gobolka Lombardia ee Italy, kuwaasoo balanqaaday iney bixiyaan kharashaadka qaliinka iyo daaweynta Caruurtaan Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu u mahadnaqay Danjiraha Italy ee Somalia Mr.Dacco Coppi oo Bukaanadaan u fududeeyay Dal ku galka, isagoo Bukaanada u rajeeyay iney ka soo kabtaan xanuunka.

Dalka Somalia ayaa la xaqiijiyay in ku dhawaad 6000-Caruur ah ay la tacaalaan Xanuunka Wadnaha iyadoo lagu sababeeyay quudinta iyo nafaqo siinta oo hooseysay, waxaana Dowlada Federaalka looga fadhiyaa iney la timaado barnaamijyo tayo leh oo wax looga qabanaayo xanuunada kala duwan ee Caruurta Soomaaliyeed kuwaasoo ah Mustaqbalka Dalka.

322760cookie-checkTiro Caruur Soomaaliyeed Oo qaba Xanuunada Wadnaha Oo Daaweyn loogu Qaaday Isbitaalada Dalka Italy..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *