Dekada Mogadishu oo Markab Shixnad Hub & Rasaas Ku Raran ku soo soo Xirtay..

Security Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Markab xamuul & Saanad Ciidan sida oo ku soi xiray Dekada Magaalada Mogadishu, iyadoo Dejintiisu ay sababtay in Maraakiivtii Ganacsiga lagu amro iney Badweynta si KMG ah u tagaan halka Gadiidkii Xamuulka qaada laga saaray gudaha Dekeda..

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Saanadaan Ciidan ay isugu jirto noocyada Rasaasta Madaafiicda goobta, Taangiyada, Qoryaha culus, kuw fudud iyo noocyada Miinooyinka sidoo kale waxaa saaran Raadaro iyo Sawaariikhda Lidka diyaaradaha, waxaa kaloo saaran Markabka Tiro Taangiyo, Beebayaal iyo Gaadiidka Qafilan iyo Qalab kale.

iyadoo hubkaan uu isugu jiro Deeq, Deyn iyo mid la soo iibiyay, hubkaan ayaa hore oo la keenay, Wararka ayaa sheegaya in dhamaan howlihii iyo dhaqdhaqaaqio Dekada ee dejinta iyo dhoofinta muddo 4-maalmood ah la hakiyay, sidoo kale waxaa la adkeeyay amaanka Wadada ka baxday Dekeda ilaa Bakhaarada Wasaarada Gashandhiga inta ay dejintu socoto.

Ku daraoo Todobaadada soo socda waxaa sidoo kale la filayaa iney Dalka soo gaaraan 5-Diyaaradood oo noocoodu yahay A-10 A-10 Thunderbolt II ee lagu farsameeyo Dalka Mareykanka waana diyaarad (Subsonic Attack aircraft developed by Fairchild Republic for the United States Air Force).

344070cookie-checkDekada Mogadishu oo Markab Shixnad Hub & Rasaas Ku Raran ku soo soo Xirtay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *