Imisa $-Millions ayey Shabaabku Hub kusoo iibsadaan bil kasta? 

Somalia news

Warbixin cusub ayaa daaha ka rogeysa hanaanka ay kooxda Shababku u soo iibsadaan Hubka & rasaasta isla markaasna ku bixiya dhaqaale ay baad ahaan iga qaadaan Qeybaha kala duwan ee Shacbiga Soomaaliyeed…

Warbixintaan uu soo diyaariyay Machadka daraasaadka amniga ee Hiraal Institute, ayaa xusay in Kooxda Shabaab bil walba ay ugu yaraan 2-Million oo US$ ah ay kusoo iibsadaan hub kala duwan, Warbixintaan oo ka kooban 25-Bog ayaa cinwaan looga dhigay ”Saanada Shabaabka”.

Xogaha lagu soo bandhigay daraasaddani waa qaar ku salaysan waraysiyo dhacay inti u dhaxeysay oo lala yeeshay tiro ganacsato ah oo dhan 70 qof, shaqaale dawladeed, iyo wakiilada hay’adaha aan dawliga ahayn ee ku sugan Mogadishu, Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland, iyo Puntland. Intaa waxa dheer, xiriir lala sameeyey horjoogayaal katirsan Kooxda Shabab si loo fahmo aragtidooda arinta ku aaddan. Arrimahan waxa aanu u aragnay in ay ku filanyihiin in ay sawir guud naga siin karaan qaabka Kooxdu cashuurta uga uruuriso Somalia guud ahaan.

Warbixintaan ayaa lagu sheegay in Kooxda Shababka ay Sanadkii dakhli ahaan uruuriyaan Aduun dhab180-millions US$, iyadoo Dhakhligaan oo ku dhisan qisyaas ahaan lana fili karo in Sanadkaan uu ka badan karo, maxaa yeelay waxey aad u kordhiyeen xiriirka ay la sameeyeen qeybaha kala duwan Shacbiga Soomaaliyeed ee Hantida heysta iyo noocyada kala duwan ee Baada.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Kooxda dhaqaale buuran ka helaan Kala iibsiga Dhulka, Guryaha & Beeraha, iyadoo miisaaniyada Ururka la sheegay in 4/1 Hub & Rasaas ku soo iibsadaa, iyadoo Kooxda sanadkii ay 24-millions US$ ay hub ku soo iibsadaan, iyadoo hubka & Walxaha qarxa uu ka yimaado Dalka Yemen, iyagoo sidoo kale Hubka kooxdu ka iibsato Suuqyada Madow ee dalka.

170810cookie-checkImisa $-Millions ayey Shabaabku Hub kusoo iibsadaan bil kasta?