Eedeysane Maasajid Qarax ku Weeraray Magaalada Beydhabo oo la Qabtay..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta Xoogaga Amaanka ka fuliyeen Gudaha Magaalada Baydhaba ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, Howlgalkan ayaa yimid kadib markiiBbam gacmeed lagu weeraray Masaajid…

Wararka ayaa sheegay in Xoogaga Amaanka ay gacanta kusoo dhigeen Eedeysane geystay falka weerarka, isagoona isku dayay inuu baxsado balse gacanta lagu dhigay oo hadda lagu xiray Saldhigg Boliiska Baydhabo, Mas’uul ka tirsan Maamulka ayaa ka warbixiyay sida lagu soo qabtay eedeysanaha oo uu sheegay in hada ay gacanta ku haayaan Xoogaga Boliiska.

Masu’ulkan ayaa sidoo kale farriin u diray Bulshada ku dhaqan magaaladaasi in Xoogaga Amaanka kala shaqeeyaan falalka lidiga ku ah adkeynta amniga ee ka dhacaya magaalada Baydhabo, “Waxaan ka codsanayaa shacabka inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si looga hortego wax kasta oo halis ku ah nabad-gelyada deegaanka” ayuu yiri mar kale.

318290cookie-checkEedeysane Maasajid Qarax ku Weeraray Magaalada Beydhabo oo la Qabtay..