Deni Oo 2-Hey’adood u kala Qeybiyay PSF-ta

Uncategorized

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari (Puntland) ayaa sheegaaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa 2-Hey’adood u qaybiyay PSF, isagoo u kala magacaabay Maxamuud Diyaano iyo Aamiin Xaaji Khayr…

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay Mr.Deni in dib laga soo saarayo xeer nidaamiye qeexaya kala xadeynta waajibaadka ciidamada kala duwan ee Puntland, Magacaabista iyo isbaddelka Hey’adda PSF ayaa ku timid wadahadal ay garwadeen ka ahaayeen isimo ka soo jeeda Gobolka Bari.

Heshiiska Madaxweyne Deni iyo Maxamuud Diyaano ayaa soo afjaraya khilaafkii ka dhashay hay’adda PSF ee sababay dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso dabayaaqadii sanadkii hore.

Hoos ka akhri wareegtada magacaabista iyo isbaddelka PSF:-

172790cookie-checkDeni Oo 2-Hey’adood u kala Qeybiyay PSF-ta