Qorshaha Dagaal Ee Villa Somalia Ee Dhanka Ka Ah Saraakiisha Mucaaradka

Uncategorized

Labadii habeen ee ugu dambeysay waxaa Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ka socday Kulamo wada tashi ah oo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo la yeelanaayay Xubno Saraakiil ah oo ka soo jeeda Beesha Hawiye balse aad u dhacsan Maamulka Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay, Kulankaasi ay ka soo qeyb galeen Mr.Farmaajo, Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, Agaasimaha NISA, Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga,Madaxa Hogaanka Socdaalka, Duqa Muqdshu, Kuxigeenkiisa Dhanka Amniga, Taliye Kuxigeenka 1-aad ee Boliiska, Taliyaha Boliiska Gobolka iyo kan Haramcad, Iyadoo Kulanka looga dooday xaaladaha ammaan iyo tan siyaasdeed ee Magaalada Muqdisho oo Maalmihii ugu dambeeyay ay ku soo kordheen banaanbaxyo abaabulan, sidii loo diyaarin lahaa istaraateejiyad mideysan, taasoo saldhigg u ah rabitaanka habowsan ee Farmajo iyo Fahad.

Kooxdaan ayaa waxay isla qireen in talada Dalku uu khatar ku sugan yahay isla markaasna uusan sidaan ku sii socon karin, hadii aan wax laga qaban xaalada cusub ee caasimadda, waxaana la dejiyay Qorshe lagu weeraraayo Saraakiisha Ciidamada Xisbiyada Mucaaradka gaar ahaan Sheekh,Yuusuf Indhacadde, Gen.Koronto, G/Sare Saney, Axmed Daaci iyo tiro Saraakiil kale ah oo lagu eedeeyay iney taageeraan Xisbiyada Mucaaradka.

Iyadoo la sheegay in Aaagaga la wareeraayo loo qeybiyay ilaa 4-aag, kuwaasoo duleedyada dhinacayada Konfurta iyo Waqooyiga magaalada la sheegay in loo xil saaray Wasiirka Amniga, Taliyaha Xoogga Dalka iyo Duqa magaalada Muqdisho halka Aaagaga Warshada Baastada,iyo Zone K loo xil saaray Taliye Kuxigeenka Boliiska kan Gobolka iyo Madaxa Ururka Haramcad, waxaana loo qabtay in wakhti cayiman ku soo af jaraan howlgalkaasi. iyadoo xarun abaabul dagaal laga hirgeliyay xerada Afisioni.

Waxaana digniin loo jeediyay inta ku howlan qorshaha gurcan ee diyaarinrysa duulaanka lagu qaadaayo Saraakiisha Ciidamada Mucaaradka iyo barahooda, iney qaadi doonaan dhibaatada ka dhalata weerarkaasi.

81950cookie-checkQorshaha Dagaal Ee Villa Somalia Ee Dhanka Ka Ah Saraakiisha Mucaaradka