Deni oo mar kale Wajahaya Khilaaf looga soo Horjeedo Doorashada Qof iyo Cod..

Somalia news

Xubno ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Puntland ayaa ka horyimid qorshaha Mr.Deni ku doonayo inuu ku qabto doorasho qof iyo cod ah, iyagoo ku eedeeyay inuu qaab qaldan u maray furista dastuurka Puntland, talaabadani horseedi karta xasilooni darro iyo Colaado..

Wararka ayaa sheegay in Ururka Mideeye oo ah ururka ugu weyn Mucaaradka ayaa qaadacay doorashada  uu madaxweyne Deni ku baaqay, iyagoo sharci darro ku tilmaamay tallaabada Guddiga Doorashada uu kusoo saaray 8 xisbi ah oo doorashada ka qeyb galaya.

Waxeyna marin habaabin ku tilmaameen hadaladii Madaxweynaha Puntland uu ka sheegay xafladdii 1-da August, iyagoo sheegay in aysan qeyb ka ahayn doorasho hal dhinac ah, iyagoo ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta waxay ugu yeereen damaca gurracan ee madaxweyne Deni. Waxay isimada ugu baaqeen inay meel iska dhigaan khilaafkooda una midoobaan badbaadinta Puntland.

Dhinaca kale maalin kahor guddi isugu jira aqoonyahanno iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka Nugaal ayaa soo saaray bayaan ay kagasoo horjeedaan doorasho qof iyo cod ah, iyagoo ku baaqay in dib loogu laabto habkii qabaliga ahaa ee xulista baarlamaanka Puntland.

270330cookie-checkDeni oo mar kale Wajahaya Khilaaf looga soo Horjeedo Doorashada Qof iyo Cod..