Khilaafka Xargo-goostay ee uu Dhaxeeya Musharax Saciid Dani & Timacadde

Somalia news

Tan iyo intii uu socday Doorashada Gudoonka Baarlamaanka 11-aad, waxaa soo shaac baxaaya khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta, kaasoo salka ku hayay doorashada Kuxigeenka 2-aad ee Aqalka sare…

Ilo wareedyo ayaa sheegay in khilaafka uu soo bilaawday kadib markii Mr.Saciid Deni, uu ka dalbaday Cabdullaahi Timacadde ka hor doorashadii Guddoonka Aqalka Sare ee BJFS, ee dhacday 26-April, inuu isaga haro tartanka, lana taageero doonista Senator Cabdullaahi Farataag oo kasoo galay Jubbaland, si loo dheelitiro is xulafeysiga labada maamul ee siyaasadda wadaaga ah. Taas oo uu ka biyo diiday Timacadde, wuxuuna taageero weydistay xulufada Farmaajo kuwaasoo ku taageeray.

Wararka ayaa sheegay isku day badan oo la doonayay in lagu xaliyo khilaafka labada nin ayaa la sheegay inuu ku soo dhamaaday fashil, kadib markii Farmaajo iyo Xikdhibaanada beesha Dhulbahante ay culeys ku saareen Senator Cabdullahi Timacdde inuusan la heshiinin Saciid Dani.

Iyadoo kulan ka dhacay Madaxtooyadda Villa Somalia, looga hadlay xaalada kala-guurka ah iyo doorashada Madaxweynaha Somalia, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Guddoomiye Timacadde.

187210cookie-checkKhilaafka Xargo-goostay ee uu Dhaxeeya Musharax Saciid Dani & Timacadde
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com