Ma Dhabaa in Bakhaaradii Keydka Hubka ee NISA Uu Dab ka kacay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa dab qabsaday Bakhaaradii hubka iyo Rasaasta ee Hey’adda NISA ku laheyd xarunteeda dhexe ee Degmada Shibis ee Gobolka Benaadir, iyadoo markii ugu horeysay Shacbiga Soomaaliyeed maqlaan in xarunta Hey’adda Dab ka kaco…

Wararka ayaa sheegay in Dabkaan uu dhaliyay khasare xoogan iyadoo uu ku geeriyooday mid ka mid Xoogaga NISA, halka khasaaraha ka dhashay lagu sheegay mid xoogan, Dabka ayaa baabiyay keydkii Hubka iyo rasaasta, iyadoo Xaruntani aheyd meel si weyn loo ilaaliyo lamana oga sababta.

Agaasimaha Hey’adda ayaa muddo maalmo ah safar shaqo ugu maqan Dalalka Urdun iyo Algeria, ku darsoo Waxaa Hey’adda weli saameyn weyn ku dhex leh Adeege Fahad Yasiin oo mar sio noqday Agaasimaha Hey’adda, waxaa loo maleynayaa in Dabka si ula kac ah loo farsameeyay, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay uu Dab ka kaco Bakhaarada Hubka ee Hey’adda.

230050cookie-checkMa Dhabaa in Bakhaaradii Keydka Hubka ee NISA Uu Dab ka kacay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com