Share the post "DFS oo maxaabiis u kala Wareejinaysa Maamulada Somaliland iyo SSC KHATUMO…"
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dadaalo u wado Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Mr.Xamse Cabdi Barre kaasoo uu kaga codsaday Hogaanka Maamulka Khaatumo iney ku wareejiyaan ilaa 50-Maxbuus oo Maleeshiyaadkii lagu qabtay Dagaaladii dhacay kuwaasoo lagu hayo Xabsiga dhexe Magaalada Laas caanood..
Wararka ayaa sheegaya Codsiga Mr.Xamse Cabdi Barre loo gudbiyay Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka iyo Gudoonka Guurtida Dhaqanka, kuwaasoo dood dheer ka yeeshay Dalabka Wasiirka 1-aad, waxeyna isla meel dhigeen in 25-Maxbuus lagu sharfo Ra’iisul Wasaaraha laguna wareejiyo.
Xubno ka mid ah Wasiirada la socda Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka ayaa la sheegay iney la kulmeem Saraakiisha Maxaabiista ah kuwaasoo ay ka wareysteen xaaladooda Caafimaad iyo sida loo la dhaqmay, waxeyna sheegeen in si wanaagsan loo la dhaqmay ayna ka maqan tahay kaliyah Xoriyadooda, Xubnaha golaha wakiilada ayaa aqbalay dalabkaan haseyeeshee tirada wajiga 1aad ee Maxaabiista ka dhigay 25 xubnood, waxaana lafilayaa in arrintaan ay siweyn uga shaqayn doonto Hey’adda Bisha Cas.