Kooxdii Ka Dambeysay Shaqaaqadii Xafiisyada Wasiirka 1-aad

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa ka soo baxaaya Kooxdii ka dambeysay gaarigii laga dejiyay Gacan-yarihii Ra’iisul wasaarihii hore Mr.Kheyre, iyadoo Madaxa Xafiiska Kan Amaanka Iyo Shaqsi kale ay iska kaashadeen iney xoog u adeegsadaan dhaca Gaariga..

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay Kooxdaan oo ka kooban madaxii Hore Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Mr.Cabdirisaaq Caato Madaxa Amaanka Xafiisyada Ra’iisul wasaaraha Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Codey) ahaane madaxa Horinta 3-aad ee Ururka Boliiska Dableyda Madaxtooyada iyo Abaanduulaha Ururka Maxamed Caaley ay iska kaashadeen iney dhacaan Gaarigaasi.

Shaqsiyaadkaan ayaa ka soo jeeda Jufo hoosaadka Mr.Farmaajo, Afduubka ayaa ka dhacay illinka guriga uu deganyahay Ra’iisul Wasaarihii uu Codey amaankiisa ilaalinayay. Falka afduubka ah ee ka dhacay irridda Ra’iisul Wasaaraha waxuu sababi karay isku dhac iyo dagaal beeleed.

Su’aashu waxay tahay xil ka qaadista Cabdirisaaq Caato miyaa lagu koobay halista la geliyay amniga Mr.Xasan Cali Khayre mise anshax marin iyo eedeyn kale oo garsoor ayaa la marsiin doonaa saraakiisha ay isku reerka yihiin Madaxweyne Farmaajo, mise waxay qayb ka noqon doontaa falalka ma hadhada ku reebay ee ay Villa Somaliya lasoo ifbaxday.

52040cookie-checkKooxdii Ka Dambeysay Shaqaaqadii Xafiisyada Wasiirka 1-aad