116-Dembilayaal Oo Xukuno Kala Duwan Lagu Ruday ayas laguna sii daayay Cafis Madaxweyne..

Somalia news

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa Cafis madaxweyne kusii daayay 116 maxbuus oo ku kala xirna xabsiga dhexe ee Xamar iyo xabsiga MBCC ee ku yaala Ex koontarool Afgooye, Maxaabiistaan lagu sii daayay cafiska madaxweyne ayaa la tilmaamay iney u xirnaayeen dambiyo kala duwan oo fudud, islamarkaana qaarkood la sheegay iney dhameysteen inta badan xukunadooda…

Xeer Ilaaliye ku xigeenka Farxaan Xuseen Maxamed oo fagaare kula hadlay maxaabiista la sii daayay ayaa kula dardaarmay iney ka faa’iideystaan fursada la siiyay, isagoona u mahadceliyay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxaabiista la sii daayay ee fursada cafiska madaxweyne ku xuroobay ayaa ahaa kuwa u badan dhallinyaro aad u da’yar oo ku eedeysana dambiyo fudud, Ugu dambeyntii Xeer Ilaaliye ku xigeenka ayaa sheegay in maxaabiista la sii daayay xabsiyada ay ku jireen iney ku heleen adeegyo cafimaad oo bilaash ah, waxbarasho, iyo goobo kale oo lagu cayaaro.

316510cookie-check116-Dembilayaal Oo Xukuno Kala Duwan Lagu Ruday ayas laguna sii daayay Cafis Madaxweyne..