Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii KM-4 Ka Dhacay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Barta kontrool ee KM-4 ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ka mid baraha laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyey qof isku xiray walxaha qarxa oo beegsaday tiro Gaadiid lagu baarayey bar-koontarool oo halkaasi ku taal iyo Mootooyinka ka shaqeeya Halkaasi, waxaana ka mid ahaa Sarkaal lagu Axmed Maxamuud Xuseen (Garabey) oo ka badbaaday inkastoo 3-Askari oo ilaaladiisa ka mid ah ay ku geeriyoodeen.

Sidoo kale waxaa jira khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray, Ciidamo ku sugnyed goobta iyo dad shacab ah oo ka agdhowaa halka uu qaraxu ka dhacay, Xaaladda goobta ayaa sidoo kale aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Federaalka.

188230cookie-checkWararkii ugu dambeeyay Qaraxii KM-4 Ka Dhacay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com