Dhaca Mootooyinka Iyo Gadiidka Oo Kordhay

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya, Kooxo abaabulan oo qaarkood ka tirsan NISA iyo Ciidamada Dowlada ayaa dhibaato xoogan ku haya Dadka iska leh Gaadiidka iyo Noocyada Mootooyinka kuwaasoo dhaca kadibna qaarkood laga iibiyo Kooxaha argagixisada halka Qaar kale la geeyo Gobolada Dalka…

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in koox isku xiran ay dhaca ka geystaan Muqdisho islamarkaana ay beegsadaan Gaadiidka rayidka iyo Noocyada Mootooyinka gaar ahaan mida loo yaqaano Feykoon kadibna ay u iib geeyaan degaanada ay ku sugan yihiin Kooxda Shabaab.

Maalmo ka hor ayaa Isgoyska Fagax lagu qabtay Mootooyin la dhacay oo ku rarnaa gaari xamuul ah oo ku sii jeeday Shabeellada Dhexe, Xog uu helay qof kamid ah dadka laga dhacay Mootooyinkan ayaa lagu qabtay Mootooyinka kadib markii uu la tagay ciidamo amaanka ah.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in la sii daayay dhamaan dadkii ku lug lahaa rarida iyo isku xirka kooxihii ku howlanaa in gaadiidkaan damacsanaa in laga bixiyo Muqdisho, waxaana la sheegay in Saraakiil ka tirsan NISA iyo Boliiska ay Soo dhex galeen siina daayeen Eedeysanayaasha.

Ilo wareedyo kuwa amaanka ah ayaa noo sheegay in Kooxda Shabaab ay xiriir toos ah laleeyihiin kooxaha dhaca ka geesta Muqdisho qaarkood islamarkaana loo rato Gaadiidka iyo Mootooyinka yar yarka ah.

Kooxda Shabaab ayaa aad u daneynaya Mootooyinkaan oo ah nooca aad u dheereeya islamarkaana ay ku qabsan karaan howlo badan. Maalmihii la soo dhaafay ayaa Muqdisho waxaa ka taagan dhaca gaadiidka iyo dadweynaha.

44680cookie-checkDhaca Mootooyinka Iyo Gadiidka Oo Kordhay