Ma Runbaa in Qoyska Deniga Puntland ay Boob ku hayaan Qandaraasyada

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa is-qabqabsi cusub oo ka taagan dhisme cusub oo la doonaayo in loo dhiso Wasaarada Kaluumeysiga ee Maamulka Puntland, iyadoo xiisadani ay salka ku heysov”Dano iska soo hoejeeda” una dhaxeeya Ehelada Madaxweynaha (Puntland) iyo Ganacsato degaanka ah…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Murankaan laga cabsi qabo inuu fashiliyo Mashruucaan oo dhinac walba uu doonaayo inuu helo, iyadoo qeybahaan isku haya ayaa kala ah Wiilka Madaxweynaha Puntland (Cabdullaahi Saciid Dani) iyo Nin magaciisa lagu sheegay Cali Warsame oo ja socda Wasiirka Kaluumeysiga Mr.Rashiid Maxamuud Yuusuf.

Iyadoo Mashruucaan ay maalgelineyso Hey’adda FAO, ilaa hadda lama xaqiijin karo in is-qab-qabsigaan uu gaaray Madaxda Sare ee FAO, Wasiirka Kaluumeysiga ayaa la sheegay inuu shuraako la yahay tiro Ganacsato ah Ganacsade Cali Warsame waxeyna wada leeyihiin Shirkad Kaluumeysi.

Halka Cabdulaahi Saciid Dani la sheegay inuu iska leeyahay Shirkadda Mandeeq Group iyo kuwo kale, wuxuuna horey u soo dhisay xaruno dowladeed, iyadoo Baarlamaanka uu ka hor istaagay in la gado xaruntii Dowladda hoose ee Garoowe, halkaasoo la doonaayay in laga dhiso xarumo Wasaaradeed oo ay ka mid tahay tan Duulista.

243340cookie-checkMa Runbaa in Qoyska Deniga Puntland ay Boob ku hayaan Qandaraasyada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com