Senatarada Puntland Ka Soo Jeeda Oo Ka Qeyliyay

Somalia news

Kadib markii ay Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka ay ansixiyeen Xeerarka Kuraasta Waqooyiga midka Qodobada Haweenka iyo Maqaamka Magaalada Muqdisho, waxaa dhawaaqo xoogan ka soo yeerayaan Siyaasiyiinta Puntland Oo saluugay qaabka wax loo maareeyay….

Waxey qaarkood ku dhawaaqeen iney ka Goosanayaan Somalia Oo noqonayaan dal ka madax banaan, Carada Siyaasiyiinta waxaa hormuud u ah Senatarada Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdirisaaq Juriile, iyadoo wareysiyo ay bixiyeen ku eedeeyay Maamulka Villa Somalia, Gudoonka Barlamaanka iyo Xisibiyada Mucaaradka iney ka dambeeyaan.

Senatarada ayaa sheegay In Maadama ay muuqaneyso In Hogaanka Villa Somalia uu ka baxay Balamihii uu qaaday ee ahaa in la hakiyo Kulamada Barlamaanka, si looga tashado Qodobada masiiriga ah ee Loo balansanaa 5-ta Luuliyo 2020, waxeyna su’aal geliyeen sida uu afgarad u dhici karo.

Inkastoo Maamulka Puntland uusan Soo saarin Go’aan ku aadan xiisada taagan, hadana dhawaaqyada Senatarada iyo Xildhibaanada Puntland ay Soo saareen ayaa culeys ku noqon doona in xaalad cakirnaan ah uu dalku galo.

44710cookie-checkSenatarada Puntland Ka Soo Jeeda Oo Ka Qeyliyay