Deni Oo Xilka Ka Xayuubiyay Wasiirka Amniga & Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha..

Somalia news

Sidii aan horey u qornay Madaxweynaha Puntland ayaa xilka ka xayuubiyay Wasiirka Amniga & Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Maamulkiisa xubnaha ugu muhiimsan ka mid ahaa, iyadoo uusan soo magacaabin Xubnihii bedeli lahaa bacdamaa uu taagan yahay Muranka Doorashada..

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxwaynaha ayaa shaqada looga eryay Wasiirka amniga iyo DDR-ta Puntland  Cabdisamad Maxamed Galan, iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeeynta Puntland Cabdiweli Mire Xirsi, Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiintaan xilalka looga qaaday Xil gudasho la’aan, walloow aan tafaasiil dheeraad ah laga bixiyay sababta talaabadaan.

Xil ka qaadistaan ayaa ku soo beegmeysa xilli lagu wado in Kulan guud oo looga tashanaayo Khilaafka Doorashada, dib u eegista Dastuurka iyo Muddo kordhinta Madaxweynaha, waxaana lagu wadaa in Todobaadkaan e degaandaasi gaaraan Siyaasiyiin, Odayaal dhaqmeed iyo Waxgarad kale kuwaasoo ku soo baxay khilaafka ka taagan Qabashada doorashada degaanada Gobolka Nugaal.

261330cookie-checkDeni Oo Xilka Ka Xayuubiyay Wasiirka Amniga & Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com