Share the post "Dhaqdhaqaaq Yari & Fadhiga Badan ee Caruurta Oo Horseeda Caafimaad Darro.."
Dunidaan aynu ku nool nahay waxaa aad ugu soo badanaaya Alaado Elektriniga ah oo Casri ah sida kuwa ciyaaraha Games ah kuwaasoo waqtiyadan dambe caruurtu aad u isticmaasho sida kuwa lagu ciyaaro taleefanka gacanta ee casriga ah, muraayadda Fiidyowga iyo kombiyuutarka ama qalabka kale ee loogu talagay, iney ka mid yihiin sababaha ugu badan ee caruurta ku keena in dhaqdhaqaaqooda oo yaraada..
Digniintaan Caafimaad ee Caruurta ayaa tilmaameysa in ilmuhu uu celcelis ahaan waqti aan ka yarayn hal saac iyo bar maalin kasta ciyaaro ama xarakaad jireed sameeyo, iyadoo tusaale loo soo qaadatay jimicsiyada jir-dhiska ee da’da ilmaha ku haboon, sida xarig ka boodka, baaskiilka, dabaasha, orodka iyo noocyada kubadaha, Ciyaarahan ayaa ay khubaradu sheegeen in ilmuhu ka helo jirdhis isku dheeli tiran, caafimaad iyo tababar bulsho oo uu dulqaadku ka mid yahay.
Khubarada ku takgadustay xanaanada iyo Caafimaadka Caruurta ayaa ka digtay in Fadhiga badan ee Caruurta ay u horseedi karasn miisaanka oo ku kordha kuwaasoo soo de dejin kara cudurada Kaadi macaanka, Dhiig karka iyo Colostarolka, waxeyna ku talinayaan in Caruurtu ay celcelis ahaan waqti aan ka yarayn hal saac iyo bar maalinkasta ciyaaro ama jimicsi sameeyo si looga badbaafiyo Halista Caafimaad dareo ee fadhiga saacadaha uu ku qaato noocayada Games-ka.