Maxaa Looga Hadlay Kulankii Dhex Maray Madaxweynaha Somalia & Agaasimaha CIA Mareykanka..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Safar qarsoodi ah oo uu Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA William Joseph Burns shalay galintii dambe ku yimid garoonka magaalada Muqdisho, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha iyo Saraakiisha Hey’adda NISA..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Kulanka oo ka dhacay Dhismaha Safaarada USA ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa looga hadlay arrimaha iskaashiga Amniga, la dagaalanka Argagixisada, xiisadaha Colaadeed ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, Somalia iyo Ethiopia.

Wararka ayaa sheegaya Agaasimaha CIA uu labadii maalmood ee la soo dhaafay safaro ku marayay Gobolka Geeska Afrika, iyadoo maalin ka hor uu Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Agaasimihiisa Sirdoonka.

301910cookie-checkMaxaa Looga Hadlay Kulankii Dhex Maray Madaxweynaha Somalia & Agaasimaha CIA Mareykanka..