Dhisme Guri Oo Dumay Ayna ka Dhasheen Khasaare..

Domestic News Somalia news

Faahfaafin dheeraad ah ayaa laga helayaa Shaqaale Muruq-maal ah oo dhisaayay Guri cusub oo ku yaal Degmada Howlwadaag gaar ahaan Suuqa Bakaaraha, burburkaan oo ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Shaqaalihii Xoogasatada ee ka shaqeynaayay dhismahaasi..

Wararka ayaa sheegaya in Hal-Qof uu ku geeriyooday 12 kalana uu dhaawac kala heer ah ka kasoo gaaray kadib markii uu kusoo dumay Gurigii ay dhismaha ay ka wadeen, Shaqaalahaan oo tiradoodu lagu qiyaasay 20-30-Murugmaaql ah ayaa muddo dhisme ka waday gurigaasi, iyadoo tilmaamay in guriga marka uu soo dumaayay ay shaqaalaha ku guda jireen inay shubayeen dhismaha waxaana lasoo go’ay qalabkii ay ku wadeen howsha shubka dhismaha.

Dhacdadaan ayaa Abaare 6:40 subaxnimo ayaa ka dhacday Suuqa weyn ee Bakaaraha ayna markii shaqada ay bilaabeenba shaqada uu kusoo dumay dabaqii ay ka howlgalaayeen, inta badan dadka dhaawacmay ayaa waxyeelada ugu daran ay kasoo gaartay qeybaha dambe sida Lugaha maadama ay ka boodeen daaqadaha dhismaha ee qeybaha sare ee howsha shubka ay ka socotay.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo shaqaale muruq maal ah sidaan dhismo ah uu kula soo dumo dhismooyinka ay ka shaqeeyaan ee magaalada Muqdisho waxaana dhowaanahaan si xoowli ah uga socday caasimadda dhismayaasha dhowrka biyaano.

374840cookie-checkDhisme Guri Oo Dumay Ayna ka Dhasheen Khasaare..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *