Xogta & Xaqiiqda Dhulka Gurigii Italia Yaa Iska Leh iyo Yaa Qabsaday..

Somalia news

Muddo maalmo ah waxaa muran xoogan ka taagnaa Gurigii Italia (Casa Italia) oo u dhaxeeya Dhismihii Ex-Safaarada China iyo Ex Hotel Shabelke, ayaa waxaa la sheegay iney Qabsatay intii uu lagu jira dagaalada sokeeye Haweeney Beesha HB ka soo jeeda, iyadoo ka kireysatay tiro Ganacsato ah…

Muranka Dhulka (Naadiga) Guriga Italia ayaa 48-saac ee u dambeysay qabsaday, Iyadoo Maamulja Gobolka ay ku amreen Taliska Boliiska Gobolka Benaadir iney xoog u adegsadaan oo ka kiciyaan Dadkii Meheradaha ganacsi ee kala duwan ku lahaa, Dhulkaan ayaa la sheegaa iney iska leedahay Dowlada Talyaaniga, waxeyna Madaxweynaha Somalia ka codsadeen in loo baneeyo dhulkaasi kadib 2-dii safar ee uu ku tagay Magaalada Rome dhowaan.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in 4-maalmood ka hor ay Magaalada Mogadishu ay gaareen Dad u dhashay Italy oo sheeganaaya lahaanshaha dhulka, waxeyna si qarsoodi ah ula kulmeen Madaxweynaha iyo Duqa Magaalada Mogadishu, iyagoo sheegay iney dhulkaasi ka dhisi doonaan Dugsi Farsamo oo lagu tababaro shaqaalaha Gobolka Benaadir ayna masmuli doonaan guddi Talyaani ah.

Dhismaha Dhulkaan ayaa la xaqiijiyay in Qandaraas lagu siiyay 2-Ganacsato ah oo Qaraabo hoose la ah Madaxweynaha Somalia, iyadoo Saraakiil ka tirsan Safaarada Talyaaniga ay kormeer ku tageen goobta markii xoog loo adeegsaday Ganacsatadii meheradaha ku laheyd, talaabooyinkaan uu qaaday Gobolka ay u muuqda kuwo ka baxsan sharciga oo xoog loo adeegsaday kadib culeys ka yimid Villa Somalia.

269610cookie-checkXogta & Xaqiiqda Dhulka Gurigii Italia Yaa Iska Leh iyo Yaa Qabsaday..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com