Dhuusa mareeb Iyo Dhaan Dabagaale

Somalia news

Wararka soo shaac baxaaya ayaa aheyn mid horseedaya is bedel muuqda iyo rajo Wanagsan ee Shirkaasi, maxaa yeelay, Mr.Farmaajo ayaan Weli diyaar u aheyn inuu Qaato doorka Hogaamineed, wuxuuna u dhaqmayaa sidii Hogaamiye kooxeed, isagoo Magaalada ku daadiyay Kooxo (Narrative) iyo Barabagaanka u sameeya, waxeyna Rajidii isku soo dhowaasho ku rideen Ceel dheer markii ay la soo baxeen warar xaqiiqda ka fog.

Aragtiyada Is-Diidan:-

Garabka Villa Somalia

-In lagu heshiiyo doorasho hal-qof iyo hal-cod ah, lehna mudo kororsi qiyaastii 2 sano ah.

-In La qaato Go’aankii Xildhibaanada Barlamaanka ee ku aadanaa Doorashada

Maamulada Gobolada:-

In Doorsho Dadban la qabto, iyadoo laga tixraacaayo tii ugu dambeysay lana qurxinaayo.

-In doorashada xiligeeda la qabto laguna qabto Xarumaha Maamulada Gobolada.

Xeeladaha Mr.Farmaajo:-

Dadka u dhuun-daloola siyaasada Dalka waxay ogyihiin in Madaxweyne Farmajo yahay ama aamin-san-yahay aragtida ku dhisan “In siyaasada lagu kala adkaado”, balse uu hada soo jabay inuu hada doonaayo in uu wax ku maareeyo “LAALUUSH IYO QEYBI OO XUKUN”.

Madaxweyne Farmajo si uu ugaaro danihiisa siyaasadeed oo ku dhamaada in uu Kursiga ku sii fadhiyo inta uu nool-yahay ayaa hada soo hormarsaday codsi “Mudo Kororsi”, isaga oo u maraaya waxaan qabanayaa Doorasho hal-qof-iyo-hal-cod.

Maxaa Laga Filan Karaa:-

Aqoonyahannada siyaasada ayaa u arka siyaasada iyo farsamada Madaxweynaha “DHAAN DABA-GAALE” iyo aanu Fahmin kuna baraarugsaneyn Xaalada dhabta ee uu xiligaan Dalka ku sugan yahay.

Mr.Farmajo wali ma oga in nin uu leeyahay kursi-baan ku siin in kiisa sugaayo, wali ma oga in ninka uu leeyahay waan ku sii dayn in uu yahay ninka dhulka ku jiiday.

Su’aaaha u baahan ayaa ah Mudane Madaxweyne sidee kuula noqatay in aad 2 sano ku qaban karto; shaqo aad 4 sano ku qaba weysay.?

49200cookie-checkDhuusa mareeb Iyo Dhaan Dabagaale