Wariye Dowladda U Shaqeeya oo Qoraal uu Soo Dhigay Bartiisa Bulshada Ku Muteystay Shaqo ka Joojin lagu Sameeyay..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Wariye u shaqeynaayay Wasaarada Warfaafinta oo Bartiisa Bulshada soo dhigay qoraal uu kaga hadlay dareenkiisa ku aadan howlgalada Ciidamada Dowlada, gaar ahaan soo bandhigista arrimaha maamul xumo iyo musuq maasuq ee ka dhex jira Wasaaradda Gaashaandhigga…

Wararka ayaa sheegaya in March 13, 2024 Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta C/llaahi Xayir Ducaale uu soo saaray warqad uu cinwaan uga dhigay ‘Go’aan laga gaaray Cabashada Shaqaalaha’, isagoo ku amray in shaqada laga joojiyo Wariye Sugaal Macallin Maxamuud oo ka tirsan Wariyeyaasha Radio Muqdisho iyo TV-ga, iyadoo ay la socoto ganaax u dhimis u dhiganta mushaarkiisa bishii, Intaa waxaa dheer, Sugaal waxaa laga mamnuucay inuu galo xarunta Wasaaradda Warfaafinta isla muddadaasi, Warqadda ayaa si rasmi ah loogu gudbiyay Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ah.

Go’aankaasi guracan kadib, waxaa laga dalbaday Wasaaradda Warfaafinta inay joojiso talaabo kasta oo ay ku cabsi gelinayso Wariyayaasha, isla markaana ay ka fogaato beegsiga suxufiyiinta kale ee warbaahinta dawladda ee afkaarta dhaliilsan ka dhiibtay, Mas’uuliyiintaasi waxaa hormuud u ah Wasiir ku-xigeenka Dowkadda Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala, iyo kuwa kale kale ee Wasaarada ka howlgala oo u dhaqma sida Guulwadayaashii.

Mas’uuliyiibtaan ayaa lagu eedeeyay iney lku takri falaan dhaqaalaha loo qoondeeyay kiraynta Satelite-ka ee SNTV iyo ku takri falka lacagaha loogu talogalay raashinka Shaqaalaha ka howlgala warbaahinta dowladda, Qaar badan oo ka mid ah shaqaalahan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku shaqeeyaan mushaar la’aan, taasoo ah mid aan la aqbali karin, una baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

324430cookie-checkWariye Dowladda U Shaqeeya oo Qoraal uu Soo Dhigay Bartiisa Bulshada Ku Muteystay Shaqo ka Joojin lagu Sameeyay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *