Maxaa ka Dhab ah in Shirkado Somaliland ahi ay isku heystaan Korontada laga keenaayo Ethiopia

Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa tilmaameysa in Qaar ka mid ah Xildhibaanno ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ay sheegeen in mashruuc koronto muddo la hadal hayay in laga keeni doono Dalka Ethiopia ay isku haystaan qaar ka mid ah shirkadaha bixiya adeegga korontada Degaanka kuwaasoo mid kastaa doonayso in loo xiro…

Wararka ayaa sheegay in Xildhibaannada degaanku oo dood ka yeeshay xaaladda Korontada Somaliland ayaa ku baaqay in Maamulka Muuse Biixi looga baahan yahay in aanay shirkadahaasi gacanta u galin koronta ah Ethiopia laga keenaayo haddii ay cidi umadda korintadaasi ka iibinaysana ay Maamulka keenaan oo adeeggaasi bixiyaan.

Dhawaan ayeey ahayd markii ay soo baxeen xogo sheegaya in Somaliland doonayso in ay Ethiopia ka soo jiidato korontada ay ka soo saarto biyo xireenkeeda Abaay kaasoo Dalalka Jabuuti iyo South Sudan hore uga iibsan jireen, iyadoo ay hadda wada hadalo meel wanaagsan maraaya ay Ethiopia la leedahay Dalka Kenya si ay Koronto ugu dhoofiso.

219770cookie-checkMaxaa ka Dhab ah in Shirkado Somaliland ahi ay isku heystaan Korontada laga keenaayo Ethiopia