Guri Dabaq ah Oo Ku Dumay Xamar weyne

Somalia news

Waxaa weli socda gurmad xooggan oo loo sameynayo qoysas badan oo ku noolaa guri ku yaalla degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho oo caawa fiidnimadii soo dumay.

Gurigan oo ah dhisme ka kooban 3 dabaq oo ku yaalla agagaarka Masaajidka Marwaas ayaa waxaa la sheegay iney leeyihiin qoyska ay ka soo jeedo Xildhibaanad Biibi Khaliif oo ka tirsan golaha Shacabka Somalia inkastoo Xildhibaanada aysan gurigan deganayn xiligan.

Waaxda gurmadka deg deg ah ee gobolka Banaadir oo istcmaalaya gaadiidka cagafta iyo dadka degaanka oo iskaashanaya ayaa dedaal badan ka dib ku guuleystay iney burburka dhismahan ka soo saaraan dad illaa 11 qof gaaraya oo loola cararay isbitaalada, kuwaasoo qaarkood la sheegay iney qabaan dhaawacyo halis ah.

Waxaa jira dad aan tiradooda rasmiga ah la ogeyn oo weli ku hoos jira burburka, waxaana socda dedaalo iyo gurmad xoogan oo lagu badbaadinayo dadkaas hadiiba nolol loogu tago, mana jiraan weli dad illaa hadda la sheegay iney shilkan ku dhinteen.

Xaalada goobta uu ku yaalla dhismahan soo dumay ayaa cakiran, waxaana ku sugan dadweyne fara badan oo isugu jira qaar daawanaya mashaqada goobta ka dhacday iyo kuwo kale oo ka qeyb qaadanaya gurmadka lagu baadi goobayo dadka la la’yahay.

49270cookie-checkGuri Dabaq ah Oo Ku Dumay Xamar weyne