Dhuusa mareeb Iyo Xaalada Kacsan..

Politics

Waxaa degan xaaladda Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, kadib markii xaalad kacsanaan ah iyo ficilo iska soo horjeeda oo laga dareemay magaalada, labadii maalmood ee la soo dhaafay..

Marxalada adag ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo shaac baxday, kadib markii Maamulka Farmaajo garabka taageersan ay Khamiistii is hortaag ku sameeyeen Odayaal iyo Waxgarad ka baxay Magaalada Guriceel, kuna wajahnaa Magaalada Dhuusamareeb, waxeyna Xoogaga hubeysan dadkaasi u sheegay inaanay ku safri karin gaadiidkii ay wateen, iyagoona ku amray inay ka deggaan oo lugtooda maalaan.

Dadkan oo odayaal ay ku jiraan ayaa habeenimadii Khamiista lug ku gaaray duleedka Magaalada Dhuusamareeb, xilli ay kaga hortaggeen ayna ku soo dhaweeyeen Mas’uliyiinta Ahlu Sunada Galmudug, oo u soo gelbiyay magaalada.

Horjoogayaasha Xoogaga Hubeysan ayaa habeen hore bilaabay inay ku soo daadiyaan wadooyinka magaalada iyo kuwa kale ee xaafadaha dhex mara, iyagoona ujeedkoodu ku sheegay inay ka hortaggayan isu soo baxyo ka dhaca magaalada.

Wararka saaka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inay Ciidamada Dowladda wa-xoogaa dabciyeen culeyskii ay soo saareen magaalada, waxaana ciidanka lagu arkayaa barro kontoroolo oo magaalada gudaheeda ay ka samaysteen.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu Sunna ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay inaanan la caburin bulshada reer Galmudug, isla-markaana aan loo diidin inay dareenkoodu muujiyan.

Tan iyo markii Ciidamada Dowladda ay la wareegeen amniga Magaalada Dhuusamareeb, bishii November ee sanadkii 2019 ayaa waxay magaaladaasi ku soo kordhiyeen habdhaqan ku cusub dadka deegaanka.

Dadweynaha reer Dhuusamareeb ayaa barraha bulshada saaxiibadooda kula wadaagaya in cidda caqabadda ku ah amniga magaalada ayba yihiin Xoogaga hubeysan ee Garabka Farmaajo oo daandaansi iyo dagaal doon ah.

17030cookie-checkDhuusa mareeb Iyo Xaalada Kacsan..