Maareeye Oo La Eedeeyay..

Arts

Iyadoo uu meel sare gaaray Khilaaf xoogan oo u dhaxeey Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir iyo Hogaanka hobollada Waaberi, kadib markii amar qalafsan uu soo saaray..

Khilaafkan ayaa soo shaac baxay khamiistii, markii muuqaal ay soo duubeen qaar ka mid ah hobollada ay ku sheegeen in agaasimaha maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabduqaadir Cabdi Yuusuf (Shubbe) iyo xubno ka mid ah hobollada laga celiyey xarunta wasaaradda warfaafinta, islamarkaana Maareeye amray in agaasimaha uusan soo geli karin xarunta wasaaradda.

Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf iyo Oday Cabdulle oo ku hadlay magaca hobollada ayaa si carro leh u sheegay in Maareeye uu meel uga dhacay hobollada, sharaftana ka qaaday.

Waxay sidoo kale Maareeye ku eedeeyeen inuu haysto, islamarkaana diiday in hobollada uu siiyo qalab ay usoo iibisay dowladda.

Maareeye ayaa qoraal jawaab ah oo uu soo saaray waxa uu Abwaan Shubbe u sheegay in shaqadiisa tahay xarunta tiyaatarka qaranka loogana baahan yahay inuu ku mashquulo, oo uu xoogga saaro.

Waxa uu sidoo kale weerar culus ku qaaday hobollada Waabeeri qaarkood oo uu sheegay “inay bil walba dowladda ka qaataan lacag ku dhow kun dollar, haddana aysan wax shaqo ah u qaban, oo shaqadooda ay ka dhuuntaan.”

17060cookie-checkMaareeye Oo La Eedeeyay..