Dib u Dhac ku Yimid Wada Hadaladii Ethiopia & Somalia ee Turkiga Lagu Balansanaa..

Africa News Security Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya inuu dib u dhac ku yimid Wada hadaladii ay iskugu imaan lahaayeen Ergada Ethiopia & Somalia oo lagu waday inuu ka qabsoomo magaalada Ankara ee Dalka Turkiga17-ka Bishaan, sababo la xiriira Khilaafka labada Dal oo gaaray heerkii ugu hooseeyay..

Wararka ayaa sheegaya in Wada hadaladaan ay Dad badan ka aaminsanaayeen kuwo wakhti lumis, iyadoo Khubarada ku xeel dheer arrimaha Ethiopia & Somalia ay sheegeen in 34-tii sano ee u dameeyay Maamuladii isaga dambeeyay Talada Erhiopia ay fara gelin & Kaadiriin beeris ku hayeen Gobolada Dalka qaarkood, iyagoo ujeedada ay ka laahaayeen ay tahay iney xiligaan khikaafka taagan uga gudbaan.

Ethiopia ayaa waxey ku harqisay Qaxooti Gobolada Waqooyi Galbeed, Waqooyi-Bari (Puntland) iyo Konfurta (Gedo, Bakoo, Hiiraan iyo Bay), iyadoo Sirdoonkeedu uu ku guuleystay in Maamulada halkaasi ka dhisan ka mid dhigto sida midka Jigjiga ka dhisan, isla markaasna afduub ku heysto in Dalka uusan ka dhismin Maamul aysan tufta ku shubin.

Ku darsoo Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Somalia ayaa sheegay iney ka fiirsan doonaan iney xiriir la yeeshaan isla markaasna taageeraan Jabhadaha Hubeysan ee Tigrey iyo Fano hadii ay deg deg u joojin weyso Ethiopia Fara gelinta ay ku hayaan arrimaha gudaha ee Somalia, Mr. Fiqi ayaa ku adkeystay in xaaladu weli aysan gaarin (Barko ma leh), balse haddii Maamulka Abiy uu ku adkeysto hab-dhaqankiisa guracan (Abiy) ay qaadi doonaan talaabo la mid ah mid uu ku hayo Somalia.

343330cookie-checkDib u Dhac ku Yimid Wada Hadaladii Ethiopia & Somalia ee Turkiga Lagu Balansanaa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *