Heshiis Laga Gaaray Qodobada Qaarkood

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaaten ah ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Heshiis hordhac ah laga gaaray Doodii Nooca Doorashada iyo goobaha lagu qabanaayo ka socotay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoo heshiis laga gaaray ilaa seddex qodob oo la isku mari waayay kuwaa oo kala ah.

-Xarumaha Dowlad Goboleedyada laba 2-Goobood oo Degaan Doorasho ah ayaa laga qabanayaa doorashada.

-Waxaa lagu heshiiyay in Ergada wax soo dooraneysa ay tiradoodu noqoto 101 ergo, waxaana soo xulaya 135-Oday dhaqameed.

-Waxaa laga heshiiyay in Xisbiyada xiligaan aysan ka qeyb gelin Doorashada oo dib loo dhigo ilaa Doorashada dambe.

ilaa hadda waxaa la isku mari la’yahay Qodobka ah Yaa Maamulaya Doorashada, weli Madaxda DG oo dhan waxay ku adkeysanayaan Qodobada kala ah

-In aanay Doorashadaan Maamulin Gudiga Doorshada Qaranka, iyagoo ku sabbeeyay in aan xiligaan la amini karin Guddigaasi iyo Hogaankeeda.

-Waxeyna soo jeediyeen in la dhiso Guddi KMG ah oo heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Qodobadaan ee Maamulka Doorashada ayaa Noqday kuwo Waqti badan Qaatay la arki doonee halka uu sal Dhigto.

61200cookie-checkHeshiis Laga Gaaray Qodobada Qaarkood