Xogo Uruurin Laga Helay Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Gobolka Sh/Hoose

Somalia news

Xog uruurin laga sameeyay Dagaalkii shalay ka dhacay degaanada Bariire iyo Aw-dheegle ayaa sheegaya in khasaare balaaran loogu geystay Ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo la gubay intii badneyd Gadiidkii Dagaalka iyo kuwa Xamuulka Ciidamada, sidoo kale Kooxda Shababka ayaa la sheegay in khasaare balaaran ay u geysteen tiro Drones ah ay duqeyn kula fuliyay labadaasi degaan…..

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada dagaaladii shalay, mashquulintii tiro fariisimo ah iyo dhabo gal laga fuliyay Lagoole lagu dilay ku dhowaad 70-Ciidamada Dowladda ah, waxaana la gubay intii badneyd Gadiidka dagaalka inkastoo Gaadiidkaasi ay gudeen Drones-ka USA, sidoo waxaa la sheegay in ilaa 50 Maleeshiyaadka Shababka lagu dilay ay ku jiraan tiro Horjoogayaal kooxda ka tirsan.

Khuburo Ciidan iyo Xog ogaalo door ah, ayaa aamisan in Dagaaladii ka dhacay shalay Degaanada Bariire iyo Awdheegle ay ahaayeen dagaal ay raali isaga ahaayeen Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo Horjoogayaasha Kooxda Shababka, iyadoo khasaaraha ugu badan ay soo gaareen Ciidamada Ka soo jeeda Beelaha Abgaal iyo Habar gidir.

Ujeedada 2-aad ayaa aheyd sidii Dowladda Turkiga looga heli lahaa Diyaaradaha Drones-ka, Gadiid Dagaal iyo hubka casriga ah, bacdamaa Hubkii iyo Gaadiidkooda ay ku deeqeen loo qaaday Gobolka Gedo iyo Degmada Cabudwaaq oo Farmaajo ka soo jeedo si weeraro loogu qaado Magaalooyinka Kismaayo iyo Degaano ka tirsan Gobolada Galguduud iyo Mudug.

107870cookie-checkXogo Uruurin Laga Helay Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Gobolka Sh/Hoose