Qaraxyo & Rabshado Laga Cabsii qabo iney ka Dhacaan Ciyaarta Galabta ee Garoonka Mogadishu Stadium..

Somalia news Sports

Iyadoo Galabta loo balansan Ciyaarta Final-ka ee Kubada Cagta dhax mari doonta Xulalka Hirshabelle iyo Galmudug, ayaa waxaa isa soo taraya cabsida laga qabo qaraxyo, xiisado iyo rabshado inay ka dhacaan daafaha iyo gudaha Garoonka Stadium Muqdisho…

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay meel fog ayaa ka dhacay Magaalada Mogadishu, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha uu geystay, kudarsoo Cabsida ayaa  ka dhalatay markii baraha bulshada aad looga buun buunshay ciyaartaasi islamarkaana Dhalinyarada qaar xifaaltankii ka dhigeen qaab Qabiileysan.

Inkastoo qorshe amni oo dhanka Xoogaga Amaanka ay dejiyeen kaasoo looga hortagaayo Kooxaha argagixisada iyo Taageerayaasha labada Kooxood, ciyaartaan aadka u adag xili la hadal hayo in ciidamo dheeraad ah in lagu soo kordhiyay sugida Amniga guud ee garoonka iyo guud ahaan Magaalada, Dadka inta badan waxey fahamaan yihiin xifaaltanka Isboortiga iney yihiin wax ku eg inta ciyaartu socoto, hadana waxaa jira qeybo baraha bulshada dadka ku kicinaya iyagoon sportiga faham badana ka heysan.

304640cookie-checkQaraxyo & Rabshado Laga Cabsii qabo iney ka Dhacaan Ciyaarta Galabta ee Garoonka Mogadishu Stadium..