Dib U Dhacda Doorashada & Muddo Kordhinta Oo Mugdi Ku Jiro

Somalia news

Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Federaalka Somalia ayaa sheegay in marka uu kasoo laabto safar maalmo qaadanaya uu ku marayo Magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo & Dhuusamareeb kadib uu Muqdisho isugu keenayo Madaxda DFS & DG si ay uga wada xaajoodaan arrimaha Doorashada 20/21….

Waqtiga ku cad heshiiska 1-da October 2020 ee Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada intiisa badan lama dhaqangelin, sabab la xiriirta khilaafka siyaasadeed ee hareeray hab maamulka Doorashada, Guddiga hoggaaminaya iyo Ciidamada Gobolka Gedo.

Magaalooyinka Kismaayo iyo B/Weyne ayaa la filayaa iney ka baaqsadaan k qeyb galka Doorashada dadban Ee Villa Somalia ay dooneyso iney hirgeliso, iyadoo Taageero ka heysata Danjiraha USA, Labo maalmood ayaa laga gudbay waqtiga ugu dambeeya ee loo qorsheeyay 10-ka maalmood ee lagu dooranayo Senatarada Aqalka sare si shaqada la qabtay ay u muuqato, laguna dhiirado Doorashada Golaha Shacabka BFS.

Haddiiba uu qabsoomo kulanka Madaxda Heer Federaal & heer Dowlad Goboleed waxa uu qaadanayaa waqti dheeraad ah, maadaama isu keenidda shaqsiyaadkaan aysan sahlaneen sida lagu arkay shirarkii horay u qabsoomay oo aan ku furmin waqtiga lagu ballamay.

Waqti xileedka Madaxtooyada Somalia waxaa kaliya ka dhiman 58-maalmood, halka aqoonsiyada Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ay dhacayaan 30-ka December 2020 waxaana ka harsan 18-Maalmood.
73-Maalmood ayaa laga joogaa markii lasoo saaray jadwalka Doorashada, keliya waxaa qabsoontay magacaabista Guddiga Farsamada & xalinta Khilaafaadka, balse guddiga guud ee maamulaya Doorashada 20/21 ayaa caqabad ka dhalatay, sabab la xiriirta khilaafka Siyaasadeed.

Haddaba Suuragal ma tahay in Doorashada Golayaasha Aqalka sare & Shacabka BFS lagu qabto maalmaha ka harsan 2020/21, Mise Muddo kordhin Dhowr bilood ah ayaa la hirgelinayaa iyadoo aan la ogeyn sida loogu heshiin karo.

78360cookie-checkDib U Dhacda Doorashada & Muddo Kordhinta Oo Mugdi Ku Jiro