Digiino Laga Soo Saaray Khilaaf ka Dhashay Firaaqo Dastuuri ah Puntland

Somalia news

Warar welwel xambaarsan ayaa laga soo sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka dhex oogan yahay Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad goboleedka Puntland & Tiro Wasiiro Saraakiil Ciidamo ah, Khilaafkaan ayaa salka ku haya Firaaqo Dastuuri ah…

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland uu isagoo aan Xilka wareejin u soo wareegay Magaalada Mogadishu si uu Ololihiisa Musharaxnimo ee Xilka Madaxwrynaha ugu tartamo, khudbad uu xalay jeediyay Kuxigeenkiisa ayuu ku sheegay inuu la wareegay Maamulka isla markaasna isbedeli ku sameyn doono tiro Wasiiro ah & Taliyayaal Ciidamo, kana mamnuucay Mr.Dani inuusan Degaanka dib ugu soo noqon karin.

Mr.Kaarshe ayaa qorsheystay inuu Xilalka ka xayuubiyo Wasiirada Maaliyada, Amniga & Taliyaha Daraawiishta, wuxuuna qorsheystay inuu ku bedelo Mr.Abshir Cumar Haruuse (Maaliyada), Asad Cusmaan Diano (Amniga) & Dhagaweye Taliyaha Daraawiishta, xiisadani ayaa u muuqata mid qalalaase xoogan abuuri karta.

Waxaana loogu baaqay Isimada, Wax-garadka, Aqoonyahannada iyo Ganacsatada Bulshada Puntland ineysan dhayalsan khilaafkaan, iyadoo loogu baaqay in Shacabka Puntland wax loo hambeeyo, Wax loolan siyaasadeed ka weyn yaaysan ka halaabin, waxaana looga digay in Wixii idinka halaaba waa naga wada halaabeen.

184070cookie-checkDigiino Laga Soo Saaray Khilaaf ka Dhashay Firaaqo Dastuuri ah Puntland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com