Kulan Xalay Ka Dhacay Hoteelka Peace Ee Magaalada Mogadishu

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Kulan gaar ah oo albaabada u xirnaa ayaa xalay dhex maray hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, ahna Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur iyo Madaxweynayaasha dawlad Goboleedyada Galmudug, Puntland iyo Koofur Galbeed…

Kulankaan oo ka dhacay Hotelka Peace ee Magaalada Mogadishu, ayaa waxaa qabanqaabadiisa lahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, waxaana uu ahaa mid Madaxweyne Qoorqoor uu fursad siyaasadeed ugu abuurayay C/raxmaan C/shakuur, sida ay sheegeen ilo wareedyo.

Waxaa durbaba muuqata inuu bilowday xeyd-xeydashada ololaha doorashada iyo sameynta isbaheysiyo siyaasadeed oo xilligan oo kale si hoose u bilaaban jiray.

Dhanka kale Waxaa soo shaac baxaaya kala qeybsanaan hareysay Xubnaha Midowga Musharixiinta, kadib markii qoraal uu soo saaray Madaxweynihii Hore Xasan Sheekh kuna aadan Kulanka wada tashiga Ee la socda Teendhada Afisioni.

120580cookie-checkKulan Xalay Ka Dhacay Hoteelka Peace Ee Magaalada Mogadishu