Senator Oo Eedeeyay Maamulka Wakhtigiisu Dhamaaday

Somalia news

Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Senator mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa sheegay in Farmaajo intuu dalka joogay uu burburiyay arrimo badan oo masiiri ahaa….

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in marka laga soo tago jabinta qodobada dastuurka iyo xerarka dalka u yaallo, Farmaajo uu dalkan u horseeday kala tag, isagoo sababay in ay burburaan Heshiisyo bulshada u yiilay.

Senator Abshir Maxamed Axmed ayaa ugu dambeyntii in intaa raaciyey in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dadka Soomaaliyeed gaarsiiyey heer aad xun oo ay sheegteen isaga oo yiri ‘dadku haah’duu hayaa”

95200cookie-checkSenator Oo Eedeeyay Maamulka Wakhtigiisu Dhamaaday