Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa digniino amaan oo Heerka 4-aad ah ayeey Wasaarada Arrimaha Dibeda Mareykanka ka soo saartay, iyadoo ugu baaqday Muwaadiniinteeda ineysan u safrin Caasimada Dalka iyo guud ahaan Somalia..
Digniintaan ayaa lagu sheegay in jiraan khataro afduub, dembiyo abaabulan, Kacdoon rabshado wata, waxaana so gaar digniinta loogu sheegay degaanada Puntland, Somaliland iyo Konfurta Dalka, sidoo kale kooxaha argagixisada ayaa laga cabsi qabaa iney wakhti gaaban gudahood ay weerar qaraxyo xambaarsan ka fuliyaan goobo cayiman, Sida xeyndaanka Garoonka diyaaradaha, Dekada, Xarumaha Dowlada, Hoteelada, (Goobaha ganacsiga Malls—ka), baraha Kontrolada iyo goobaha ay Dadku ku badan yihiin.
Nooca weerarka ayaa lagu sheegay Gaadiid qaraxyo ka buuxaan, naftood-haligayaal, ungyo weeraro fuliya ama hoobiyayaal, waxaana muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Caasimada lagu wargelinayaa iney xakameeyaan dhaqdhaqaqooda maalmaha soo socda.