Dalka Somalia Oo Kaalinta hore kaga jira Liiska Dilaayaasha Wariyayaasha Warbaahinta

Somalia news

Dalka Somalia ayaa sanadkii 8-aad difaacday inuu kaalinta 1-aad ka galo dalalka aan la la xisaabtamin gacan ku dhiiglayaasha Dilalka Wariyayaasha, sida ku cad Warbixinta sanadlaha ah ee Guddiga ilaalinta Suxufiyiinta ee CPJ…

Warbixintaan ayaa lagu sheegay in Somalia ilaa 19-kiis oo dil suxufiyaan ah ayaa ka dhacay kuwaasoo aan la haweysan in la baaro, halka Dalka Syria ay ka dhaceen 16-Kiis oo Dil ah, Warbixinta ayaa lagu xusay in “Dhamaan Dalalkaasi marar badan ay ka soo muuqdaan tusmada CPJ”.

Iyadoo Colaadaha, Xasilooni darrada siyaasadeed iyo Sareyn la’aanta Sharciga ay yihiin caqabadaha xoojinaaya isla xisaabtan la’aanta, isla markaasna ay adag tahay in Dowladaha ka jira ay awooda saaraan sidii ay cadaalad ku heli lahaayeen Wariyayaasha, waxaana Somalia ugu dambeeyay Wariyihii (Maxamed Ciise Koonasn) lagu dilay qaraxii KM-5 (Zoobe).

Warbixinta ayaa lagu xusay in “ Dilka ka sokow Wariyayaasha Somalia ay la kulmaan xarig sharci darro ah, Hanjabaado iyo marmarka qaarkood jirdilo ay u geystaan Saraakiisha Hey’adaha Amaanka Dowlada kuwaasoo aan jirin cid la xisaabtanta, Iyadoo Dowlada Federaalka lagu eedeeyay iney ka gaabisay badbaadinta Wariyayaasha.

222820cookie-checkDalka Somalia Oo Kaalinta hore kaga jira Liiska Dilaayaasha Wariyayaasha Warbaahinta